Aniga ii akhri!

Aniga ii akhri!

Buugaag bilaash ah ayaa la siinayaa dhammaan imaha jira hal sano!

Dawladda hoose ee Strand waxay hiigsanaysaa in dhammaan waalidku ay carruurtooda yaryar u akhriyaan buug. Taas darteed waxannu bilaabnay mashruuca «Aniga ii akhri!» si saddex buug oo bilaash ah loogu qaybiyo carruurta sannad jirka ah ee degan degmada! Buugga u horeeya waxa carruurta la siinayaa xilliga kantaroolka 10-ka bilood, buugga labaad waxa lagu bixinayaa wadahadal lala yeelanayo waalidka oo ay qabanayso xannaanada carruurtu, halka buugga saddexaad laga soo qaadanayo maktabadda buugaagta. Haddii aan lagu siin buuga ilmahaaga waxa aad la xidhiidhi kartaa maktabadda.

Waa maxay sababtu?

Si carruurteenu guul uga gaadho maadooyinka iyo la dhaqanka dadka marka ay joogto xannaanooyinka iyo iskuulka, waxa muhiim ah inay si fiican u yaqaanaan luuqada. Kor ugu akhrinta buugta ayaa ah qaabka ugu fiican ee loo kordhin karo ereyada ilmuhu yaqaano. Isla markaana waxay wax ka taraysaa kobcinta maskaxda ilmaha, waxaanay abuuraysaa xidhiidh dhow, wacan oo jacayl ah oo dhexmara waalidka iyo ilmahooda. Xilliga uu ilmuhu baranayo luuqada ugu badan waa marka uu jiro 1,5-3 sanno, taas darteedna waxa aad u muhiim ah hawsha laga qabanayo guriga!

Ilmaha yaryar waa in loogu qubeeyo biyo iyo hadal (ereyo).

Labaduba waa muhiim. Ilmuhu waa inuu ereyga maqlo boqolaal jeer ka hor intaanu fahmim ama ku dhawaaqin. Taas darteed waa in aynu ka faa’idaysano fursad kasta oo aynu ka hadli karno eyga aynu aragno, boorashka aynu cunayno, midabka surwaalka aynu wadano ama carafka doolshaha la dubay. Hadal, hadal, hadal oo hadal. Oo hees! Oo u akhri! Buugaagta waxaynu ka helaynaa ereyo kale oo ka duwan kuwa aynu isticmaalno maalintii. Taas darteed ayey buugaagtu u leeyihiin faa’ido gaar ah.

Cilmi-baadheyaashu waxay sheegeen:

Xilliga kor u akhriga waxa carruurta u baratay in wax loo akhriyo, lagu arkay in qaybta maskaxdooda ee maamusha barashada luuqada ay samaysyo dhaqaaq ka badan oo ka duwan ka ay samayso maskaxda carruurta aan wax loogu akhriyin guriga. (AKHRISO IN KALE)

Ilmuhu marka ay yaraantooda arkaan macnaha buugaagta, waxay diyaar u noqonayaan in akhriska bartaan marka ay bilaabaan iskuulka. (AKHRISO IN KALE )

In ilmaha kor loogu akhriyo ka hor intaanu baran hadalka ayaa isbeddel weyn ku keenaysa tirada ereyada ilmuhu baranayo. (AKHRISO IN KALE )

Carruurta guriga ku haysta buugaagta carruurta oo badan, ee u akhriska loo bilaabay ka hor intaanay buuxsamin labo sanno, waxay marka iskuulka bilaabaan yaqaanaan ereyo ku dhawaad ku labanlaabma ereyada ay yaqaanaan carruurta aan buugaag badan ku haysan guriga isla markaana u akhrinta loo bilaabay kadib markii ay buuxsameen afar sanno jir . (AKHRISO IN KALE )

Hooyada iyo aabaha ayaa ah cida ugu horeysa ee dhiirigelin karta akhrinta ilmaha. Wax akhrinta waalidka, iyo u akhrinta iyo la akhrinta ilmaha ayaa saamaynta ugu weyn ku leh rabitaanka wax akhrinta iyo dabeecada wax akhrinta ee ilmaha. Kor u akhrinta iyo la akhrinta xilliga hore loo bilaabo ilmaha ayaa taageero ka helaysa daraasado cilmiyeed oo culus. Waa arrinta saamaynta ugu badan ku leh barashada luuqada, kordhinta tirada ereyada ilmuhu yaqaano, xoojinta aqoonta hadalka, fahanka akhrinta iyo rabitaanka wax akhrinta ee carruurta. (AKHRISO IN KALE )  

Toban iyo toddoba jir guriga loogu akhrin jiray waxa uu yaqaanaa ilaa iyo 50 000 erey.  Qaar ka mid ah toban iyo toddoba jirada waxay yaqaanaan keliya 15 000 erey. Xataa kuma filna inay ku fahmaan macnaha wax ku qoran wargeys. (EEG FIIDYOWGA)

Telefeeshanka, codadka la duubay iyo kombuutarku ma beddeli karaan hooyada ama aabaha marka ay carruurtu baranayso luuqadda. (EEG FIIDYOWGA )

Cinwaano kale oo la xidhiidha mawduuca

 

Guddida mashruuca Aniga ii akhri

Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan mashruuca «Aniga ii akhri » waad nala soo xidhiidhi kartaa.

Kathrine Vik, maktabadda Ryfylkebiblioteket Strand, kathrine.vik@strand.kommune.no

Åshild Hus, xafiiska dhaqanka Strand (kulturkontor), ashild.hus@strand.kommune.no

Arild Tid Johannessen, Xannaanooyinka carruurta, ArildTid.Johannessen@strand.kommune.no

Mette Dalen, Aqalka qoyska (Familiens hus) Mette.Dalen@strand.kommune.no

Elise Norland Sørheim, rugta  waxbarashada ee Ryfylke læringssenter, Elise.Norland.Sorheim@strand.kommune.no

Benedikte Torgersen Strand, NAV, Benedikte.Torgersen.Strand@nav.no

Monica Lerang Knudsen, Hay’adda maadinta carruurta (Barnevernstjenesten), Monica.Lerang.Knudsen@strand.kommune.no

 

Revungen våkner, spiser frokost og går på lekeplassen. Boken er uten tekst. De voksne kan snakke med barnet om bildene og ta utgangspunkt i de forskjellige situasjonene. Alle barna i målgruppen får denne boka på helsestasjonen.

 

 

Min verden er en enkel billedbok med tegninger av hverdagslige gjenstander. Oppslagene følger døgnet rundt fra frokoststund til godnatt-tid. Barna får denne på helsestasjonen, fra høsten 2020 vil barna få den ved oppstart I barnehagen.

 

 

Mopp og Mikko elskar mat, dyr, ting og kjøretøy. Guten Mikko er den som finner ut kva dei skal samle på eller leite etter, mens jenta Mopp bestemmer kva slag kjøretøy dei skal samle tinga i. Boka har eit klart og tydeleg farge- og formspråk om ting som opptar dei yngste i kvardagslivet. Foreldra kan koma til biblioteket og velgja 3 bøker til barnet sitt, dette er ei av bøkene.

 

Lille Ugle faller ut av redet sitt mens han sover. Med god hjelp av sin nye venn Ekorn setter de i gang å lete etter Lille Ugles mamma. På sin ferd møter de mange andre dyr, men ikke mammaen hans. Dette er en fortelling om kjærlighet, om ferden fra det ukjente og utrygge, tilbake til det kjente og kjære. Foreldrene kan komme til biblioteket og velge 3 bøker til barnet sitt, dette er en bøkene.

 

Harepus og Lillemus leter etter et sted å bo. De titter inn i huler, hull og hi, men alt er opptatt. De må finne seg et sted før det blir mørkt. Se gjennom hullene i sidene på alle stedene de to vennene titter inn. Foreldrene kan komme til biblioteket og velge 3 bøker til barnet sitt, dette er en bøkene.

 

Den lille larven Aldrimett spiser seg gjennom ukedager, epler, plommer, jordbær og faktisk også sidene i boka, inntil den en vakker dag er blitt helt mett, og blir forvandlet til en vidunderlig vakker sommerfugl. Foreldrene kan komme til biblioteket og velge 3 bøker til barnet sitt, dette er en bøkene.

 

Veslefanten, Makkus og Kanina skal leggje seg. Men først må dei kle av seg, vaske snuten, pusse tennene og sitte på potta. Etterpå er det graut og bok. Dette er ei peikebok om typiske ting ein gjer før ein skal sove. Foreldra kan koma til biblioteket og velgja 3 bøker til barnet sitt, dette er ei av bøkene.

Åshild Hus
Leder
E-post
Telefon 91 81 77 28
Mobil 91 81 77 28